Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ismaamullada bariga dalka oo ballanqaaday in ay ansaxin doonaan BBI

Ismaamullada bariga dalka oo ballanqaaday in ay ansaxin doonaan BBI

Wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada Kitui, Machakos iyo Makueni ayaa ballanqaaday in ay si aqlabiyad leh u meel marin doonaan hindisaha sharci beddelka ee BBI.
Arrinkan ayay shaaca kaga qaadeen shir ay ku yeesheen dowlad deegaanka Machakos.
Sidoo kale waxay hoosta ka xarriiqeen in ka dib marka ay hindisaha BBI ay u codeyaan ay qaban doonaan shirar dadweynaha lagu fahansiinayo faa’iidooyinka ay ka dhaxlayaan qorshahan.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo ilaa iyo hadda hindise sharciyeedka BBI laga ansaxiyay 11 ismaamul sida Nairobi, Vihiga, Laikipia, Siaya, Kisumu, Homa Bay, Busia, West Pokot, Trans Nzoia, Kajiado iyo Kisii.
Waxaa ilaa iyo hadda laga diiday oo keliya ismaamulka Baringo ee gobolka Rift Valley.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments