Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka In ka badan 5 qof oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Kabul

In ka badan 5 qof oo ku dhimatay qaraxyo ka dhacay Kabul

Ciidamada booliska ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in ugu yaraan 5 qof ay ku dhinteen ilaa saddex qarax oo laga fuliyay gudaha caasimadda wadankaas ee Kabul.
Afhayeenka booliska magaalada Kabul Ferdaws Faramarz ayaa laga soo xigtay in labo qof oo kale ay dhaawacmeen.
Waxaa uu warbaahinta u sheegay in labada qarax ee ugu horreeyay ay u dhexeysay 15 daqiiqo halka midka saddexaad oo baabuur lala eegtay uu dhacay labo saacadood ka dib.
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarradan bambooyinka loo adeegsaday iyada oo ciidamada ammaanka ee Afghanistan ay guda galeen baaritaano ku aaddan si xaqiiqda loo ogaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments