Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo beenisay inuu jiro xoghaye wasaaradeed oo shaqada laga eryay

Dowladda oo beenisay inuu jiro xoghaye wasaaradeed oo shaqada laga eryay

Afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Kanze Dena Mararo ayaa sheegtay in uunan jirin xoghaye wasaaradeed oo shaqada laga eryay ka dib isku shaandheyn uu dhawaan sameeyay madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Madaxweynaha ayaa soo magacaabay 8 xoghayayaal oo cusub halka uu kala beddelay kuwa xilalka ka haya wasaaradaha dowladda dhexe.
Mrs. Dena ayaa wargeyska maxalliga ee Nation u sheegtay in aynan jirin cid la tiray balse keliya la kordhiyay xoghayayaasha sare ee qaabilsan dhanka maamulka.
Waxay carrabka ku adkeysay in hadii uu jiro sarkaal shaqo joojin lagu sameeyay dowladda ay war ka soo saari lahayd.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa Arbacadii la soo dhaafay David Osiany u magacaabay xoghayaha sare ee dhanka maamulka u qaabilsan wasaaradda warshadaha, Eric Simiyu Wafukho ( maaliyadda ),Jackson Musyoka Kalla ( wasaaradda shaqaalaha) Zachary Ayieko ( wasaaradda tamarta), Alex Mburi Mwiru ( wasaaradda dhulalka), Lawrence Angolo ( beeraha), Prof Japheth Ntiba Micheni ( xafiiska arrimaha sharciga ee dowladda iyo Dr Sarah Ruto ( wasaaradda tacliinta).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments