Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo xarumo caafimaad xarigga kaga jaraya xaafado ka tirsan Nairobi

DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo xarumo caafimaad xarigga kaga jaraya xaafado ka tirsan Nairobi

Hoggaamiyaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa maanta ku sugan xaafadda Kayole ee ismaamulka Nairobi halkaas oo uu xarigga kaga jari doono xarun caafimaad ka hor inta uunan xaafadda kale ee Dandora ka fulin mashruuc kani la mid ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamulka talada haya ee Jubilee uu oofinayo ballanqaadyadii uu shacabka u sameeyay xillgii ololaha doorashada.
Waxaa uu ugu horreyn ka hadlay adeegyada dhanka biyaha oo uu sheegay in maadaama la qoday ceel biyood dhowr ah ay tahay in shacabka ay biyaha ku helaan si lacag la’aan ah

Mr. Kenyatta ayaa difaacay heshiiskii uu sanadkii 2018-kii la saxiixday madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo uu sheegay in waxyaabo badan laga faa’iiday

Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday arrimaha BBI isagoo dadweynaha ka codsaday in ay taageeraan qorshahan

Madaxweynaha ayaa dhanka kale ka digay in shacabka siyaasad ahaan lagu kala qaybiyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments