Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Puntland oo gacanta ku dhigtay rag Shabaab ka tirsan

Puntland oo gacanta ku dhigtay rag Shabaab ka tirsan

Ciidanka Ammaanka Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa howlgallo gaar ah oo ka sameeyrrn Tuulada Marajo iyo dhulka Buuraleyda ah ee hoostaga sida deegaanada Booje iyo Habar-hagoogane, waxay sheegeen inay ku qabteen Xubno ka tirsan dagaalameyaasha Al-Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalka hoggamineysay ayaa Tilmaamay in Xubnahaan la qabtay uu kujiro Sarkaal Sare oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana Xubnahaas ay ahaayeen kuwo Aasa miinooyinka la geliyo wadooyin ka Gobolka Bari.
Saraakiisha oo la hadlay Warbaahinta Gudaha ayaa waxay sheegeen in Xubnahan la qabtay ay miinooyin ku Aaseen wadada isku xirta Bali-khadar, Karin iyo degaano kale oo dhowr jeer lagu qarxiyay Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.
Ugu dambeyntii Saraakiisha Ciidamada PSF-ta Puntland ayaa waxaay sheegeen inay Ciidamadu gacanta ku dhigeen maado ay Al-Shabaab u isticmaalayeen waxyaabaha qarxa, isla markaana ay ka hortageen weeraro ay doonayeen inay fuliyan.
Ciidamada Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa dhowr jeer ooh ore waxay weeraro kala kulmeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana sidoo kale mararka qaar ay sameeyaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab iyo Kooxda Daacish oo kamid ah kuwa weerarada ka geysta degaannada Maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments