Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo aan laga oggolaan codsi ay u gudbisay maxkamadda ICJ

Kenya oo aan laga oggolaan codsi ay u gudbisay maxkamadda ICJ

Dowladda Kenya ayaa ku guuldareysatay in ay maxkamadda caalamiga ee cadaaladda ee ICJ ku qanciso in dib loo dhigo dhageysiga dacwadda arrimaha badda.
Waxay Kenya doonaysay in markii afaraad dib loo dhigo kiiska la xiriira muranka dhanka badda ee kala dhexeya Soomaaliya.
Sarkaalka maxkamadda ICJ u qaabilsan dhanka diiwaangelinta Philippe Gautier ayaa shalay dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ku wargeliyay in kiiskan uu u sii socon doono sidii la qorsheeyay .
Waxaa dacwadda la dhageysanayaa 15-ka bisha saddexaad ee sanadkan .
Bishii shanaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii dhageysiga dacwadda ka dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya markii saddexaad dib loo dhigay cudurka COVID-19 awgii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments