Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo farriin u diray laba aflayaasha

DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo farriin u diray laba aflayaasha

Madaxweynaha dalka Mr Uhuru Kenyatta oo gelinkii dambe ee shalay la hadlay dadka ku nool xaafadda Uthiru ee ismaamulka Kiambu ayaa farriin u diray siyaasiyiin dowladda ku jira oo uu ku tilmaamay in ay laba aflayaal yihiin.
Waxaa uu sheegay in ay dowladda mar caynayaan marna ay amaanayaan

Kenyaanka oo dareenkooda ku aadan hadalka Mr Kenyaatta oo ay ku soo bandhigeen baraha bulshada ayaa waxay sheegeen in hadalkaas uu ula dan lahaa ku xigeenkiisa William Ruto.
Mr Kenyatta ayaa mar kale ku celceliyay baahida loo qabo in la taageero warbixinta guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI isaga oo sheegay in ay fure u tahay horumar badan oo dalka ka dhaca iyo sidoo kale in la soo afjaro khalalaasaha joogtada ah ee doorashooyinka ka dib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments