Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Beesha caalamka oo ka digtay in uu baaqdo shirkii uu iclaamiyay MD...

Beesha caalamka oo ka digtay in uu baaqdo shirkii uu iclaamiyay MD Farmaajo

Beesha Caalamka ee saaxiibada taageera dalka Soomaaliya ayaa War kasoo saaray Shirkii uu Madaxweynaha wakhtigiisu dhammaaday ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
War-saxaafadeed kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo la qorsheeyay in 15-ka bishaan inuu ka dhaco Magaalada Garoowe, Shirkaas oo lagu dhameystirayo hirgelinta heshiiskii doorashada ee 17kii Sebtembar.
Beesha Caalamka ayaa sheegtay in aysan aaminsaneyn su’aasha ku saabsan goobta shirka lagu qabanyo ay cudurdaar u noqoto dib-u-dhac kasta ee ku yimaada shir-madexeedka, iyagoona Madaxda ku boorriyay inay ku wada-shaqeeyaan niyad wax lagu dhisayo, kana digay dib u dhac ku yimaada Shirka.
“Waxaan aaminsannahay inay muhiim tahay in wadahadaladii ka soo billowday Dhusamareeb si dhakhso leh looga mira-dhaliyo marka la guda-galo wada-hadalada soo socda. Waxaan ku dhiirigelineynaa madaxda DFS iyo DGXF ee ka qaybgelaya shir-madaxeedka inay si joogto ah ula xiriiraan oo ay ula tashadaan saamillayda kale ee Soomaaliyeed si wada-hadadalladu u noqdaan kuwo laga baaraan-degay” ayaa lagu yiri Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka.
Sidoo kale Qoraalka ayaa lasii raacsiiyay “Waxaa la joogaa waqtigii laga fogaan lahaa tallaabooyinka halka dhinac ah oo ay dhinacyadu keligood qaadaan, isla markaana si dhakhso leh loogu dhaqaaqi lahaa in lagu heshiiyo hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka ee 17kii Sebtember si loo soo doorto madaxda Soomaaliya”.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku taliyey in Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, maadaama uu dhammaaday muddo xileedkii Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ku baaqay in la balaariyo Shirkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments