Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya UNOCHA oo sheegtay in meelo Soomaaliya ka mid ah sababo amni dartood...

UNOCHA oo sheegtay in meelo Soomaaliya ka mid ah sababo amni dartood aan gargaar loo gaarsiin karin

QM ayaa waxay sheegtay in falalka amni darada ah ee ka jira qaar ka mid ah Gobolada dalka Soomaaliya ay sababtay inay Saamayn ku yeelato howlaha samafalka ee ka socda gudaha Dalka Soomaaliya.
Hay’adDa UNOCHA ee Xafiiska Qm u qaabilsan isku xirka arrimaha bini’aadanimada ee Soomaaliya Waxay sheegtay inay jiraan ilaa 255 dhacdo oo ka dhan ah hay’adaha Samafalka oo la diiwaan galiyay sanadkii 2020, sare u kac 59% ah, oo 15 shaqaale gargaar ah lagu dilay.
Hay’addu waxay warkeeda ku sheegtay in Amni-darradu weli caqabad weyn ku tahay howlaha Samafalka ee ka socda Soomaaliya. Ayadoo Tilmaamtay in wali ay dhammaan howlwadeenadeedu gargaar gaarsiinayaan dhammaan gobollada Soomaaliya ee xaaladuhu ka jiraan inkastoo ay jirto halista dhanka amaanka ah meelaha qaar.
Sida laga soo xigtay Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ugu yaraan 12 shaqaale Samafal ah oo ku sugan Soomaaliya ayaa la dhaawacay, 24 waa la afduubtay, halka 14 la xiray ama si kumeel gaar ah loo xanibay intii lagu gudajiray Sanadkii 2020.
Sidoo kale UNOCHA ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan Samafalka ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya, islamarkaana ay caawin doonaan shacabka Soomaaliyeed ee garab istaaga u baahan Xiliyada ay wajahayaan Xaaladaha adag oo dhanka Binu aadanimada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments