Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya SAWIRO:Dowladda Soomaaliya oo daahfurtay diiwaangelinta diyaaradaha iyo ruqsooyinka

SAWIRO:Dowladda Soomaaliya oo daahfurtay diiwaangelinta diyaaradaha iyo ruqsooyinka

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo daah-furay diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha ayaa ka warbixiyey dadaalka mugga weyn ee dowladda Soomaaliya ku bixisay Sanadihii la soo dhaafay dib u soo celinta Astaamaha Qarannimada oo aasaas u ah waayo cusub oo u bilowda Shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa ku boggaadiyay dadaalkaan Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed Iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada adag ee ay ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka Soomaaliya oo dib u habayn Balaadhan lagu sameeyay.
Munaasabadda Xarig Jar oo ay goobjoog ahaayeen qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano katirsan Golaha Shacabka, milkiileyaasha leh Shirkadaha diyaaradaha Iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada Iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa wasiirka ku Guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado ka marag kacaya aqoontooda shirkadaha duullimaayada iyo Duuliyaal Soomaaliyeed oo Shirkadahaan ka howlgala.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments