Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya SAWIRO:Danjiraha Ingiriiska ee Kenya iyo barasaabka Garissa oo arrimo dhowr ah ka...

SAWIRO:Danjiraha Ingiriiska ee Kenya iyo barasaabka Garissa oo arrimo dhowr ah ka wada hadlay

Danjiraha boqortooyada Ingiriiska ee Kenya Jane Marriott iyo barasaabka ismaamulka Garissa Cali Bunow Qorane ayaa yeeshay kulan ay diiradda ku saareen arrimo ay ka mid tahay in Britain ay xoojiso horumarinta nolosha bulshada iyo dhaqaalaha.
Mr. Qorane ayaa danjiraha oo booqatay Garissa ka codsaday in ay ka shaqeyso sidii UK ay dowlad deegaankaas uga taageeri lahayd dhanka caafimaadka, biyaha , xoolaha, beeraha , dhallinyarada , jinsiyadda iyo adeegyada laga bixiyo magaalooyinka waaweyn.
Guddoomiyaha ayaa Jane Marriott u bandhigay in dowladeeda ay kaalin ka qaadato dhameystirka mashaariic uu hakad ku yimid oo dhanka caafimaadka iyo biyaha ah.
Barasaabka Garissa ayaa sidoo kale sheegay in Al-Shabaab ay khatar dhanka amniga ah ku hayso ismaamulkaas.
Mr. Qorane ayaa xusay in dhallinyaro badan ay shaqo la’aan yihiin tani oo keeni karto in lagu duufsado arrimaha xagjirka.
Danjiraha Ingiriiska ee Kenya ayaa dhankeeda ballanqaaday taageero badan oo ku saabsan barnaamijyo laga fulinaya Garissa sida wax baridda gabdhaha , nafaqada , amniga iyo kuwo kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments