Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Khasaaraha ka dhashay shilkii Gilgil oo sii kordhay

DHAGEYSO:Khasaaraha ka dhashay shilkii Gilgil oo sii kordhay

Waxaa sii kordhay khasaaraha nafeed iyo dhaawaca ka dhashay shilkii saaka ka dhacay deegaanka Gilgil .
Dhimashada ayaa hadda ah 9 halka ay dhaawacmeen ugu yaraan 4 qof.
8 ka mid ah 9-ka qof ayaa isla goobta ku dhintay halka mid kalena uu geeriyooday isagoo isbitaalka lagu daaweynaya.
Waxaa uu shilku u dhexeyay baabuur ah nooca dadweynaha ee mataatuuda iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka.
Gaadiidkan ayaa isku dhacay xilli ay marayeen meel u dhow isbitaalka St Mary ee wadada weyn ee u dhexeysa magaalooyinka Nairobi iyo Nakuru .
Taliyaha booliska ee deegaanka Gilgil John Onditi ayaa sheegay in shilku uu dhacay abaare 5-tii aroornimo.
Taliyaha ayaa sheegay in guddi ka tirsan hay’adda laanqeerta cas uu gaaray goobta shilka si uu u soo badbaadiyo rakaab la rumeysan yahay in ay weli ku hoos jiraan baabuurka yar.
Qaar ka mid ah goobjoogayaasha shilka ayaa ka warramaya sida ay wax u dhaceen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments