Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka 5 ka mid ah ciidamada Afghanistan oo weerar lagu dilay

5 ka mid ah ciidamada Afghanistan oo weerar lagu dilay

Weerar ka dhacay duleedka caasimadda dalka Afghanistan ee Kabul ayaa lagu dilay 5 ka mid ah ciidamada ammaanka ee wadankaas.
Waxaa falkan gaystay rag hubeysan oo aan ilaa iyo hadda la aqoonsan.
Ciidamada la dilay ayaa ilaalo u ahaa kolonyo baabuur oo ay leedahay qaramada midoobay.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Afghanistan ayaa sheegay in ay weerarka uga shakisan yihiin kooxda Taalibaan.
Howlgalka nabadsugidda qaramada midoobay ee dalkaas ee (UNAMA) ayaa u tacsiyeeyay qoysaska askarta lagu dilay weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments