Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 2 qof oo ku dhimatay diyaarad ay leedahay KWS oo ku burburtay...

2 qof oo ku dhimatay diyaarad ay leedahay KWS oo ku burburtay Nanyuki

Waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashada labo qof oo kala ah duuliye iyo rakaab ka dib diyaarad ku burburtay degmada Nanyuki ee ismaamulka Laikipia.
Wararka ayaa intaa ku daraya in diyaaraddu ay soo dhacday wax yar un ka dib markii ay ka duushay garoonka Nanyuki Civil Airport.
Waxaa burburka diyaaradeed iyo khasaaraha ka dhashay warbaahinta u xaqiijisay waaxda ciidamada duurjoogta ee KWS.
Bayaan ay waaxdu soo saartay ayay ku sheegtay in duuliyaha iyo qofka kale ay ka mid ahayeen shaqaalaha KWS.
Ilaa iyo hadda ma cadda waxa sababay shilkaas in kastoo ay socdaan baaritaano arrinkan ku aaddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments