Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ballanqaaday taageeridda ganacsiyada yaryar

DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ballanqaaday taageeridda ganacsiyada yaryar

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee ay ka go’an tahay in gudaha Kenya uu ka jiro jawi ku habboon ganacsiga.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in taageero ku filan la siinaya ganacsiyada yayar si ay shaqo abuur ugu sameyaan dhallinyarada
Hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan wax isbeddel ah lagu sameyn doonin canshuurta laga qaado ganacsatada xita iyadoo ay jirto saameyn dhaqaale oo ka dhalatay cudurka COVID-19.

Xilli uu ku sugnaa xarunta qaran ee xamuulka badeecooyinka ee (NCDC ee Nairobi ayuu hoggaamiyaha wadanka siyaasiyiinta kaga digay inay dadweynaha kala qaybiyaan.
Waxaa uu shaaciyay in marnaba uunan diyaar u ahayn in talada dalka uu ku wareejiyo madax shacabka kala qaybinaya sidoo kalena lunsanaya kheyraadka loogu adeego bulshada.

Mr. Kenyatta oo sheegay inuu ka warqabo in muddo xileedkiisu uu dhammaanaya sanadka soo socdo ayaa isagoo tusaale u soo qaadanaya ismaamulka Nairobi ku nuuxnuuxsaday in qorshaha sharci beddelka ee BBI laga faa’iidayo waxyaabo badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments