Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Maraykanka iyo qaramada midoobay oo cambaareeyay falcelinta laamaha ammaanka ee dibadbaxyada Myanmar

Maraykanka iyo qaramada midoobay oo cambaareeyay falcelinta laamaha ammaanka ee dibadbaxyada Myanmar

Waxaa dalka Myanmar maalinkii shanaad ka socdo dibadbax ay shacabka kaga soo horjeedaan afgembigii militari ee dhawaan halkaas ka dhacay.
Dowladda Maraykanka iyo jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa cambaareeyay awoodda saraakiisha ammaanka ay u adeegsanayaan ka falcelinta mudaharaadyada.
Tani ayaa imaanaysa hal maalin un ka dib markii haweeney la toogtay oo dhaawac culus la gaarsiiyay xilli ay isku dhacyo dhex marayeen booliska iyo dibadbaxayaasha.
1-dii bishan ayay ahayd markii ciidamada difaaca ee dalka Myanmar ay talada la wareegeen iyagoo xiray mas’uuliyiin ay ka mid tahay Aung San Suu Kyi iyo madaxda xisbigeeda (NLD).
Esther Ze Naw oo ka mid ah dhallinyarada dibadbaxa dhigaya ayaa warbaahinta u sheegtay in aynan ka aamusi karin inqilaabka dhacay.
Waxay sheegtay in hadii aynan muujin sida ay uga xun yihiin tallaabadii uu militarigu qaaday dhibaatooyin dheeraad ah ay ka dhalan karaan go’aankaas.
Militariga Myanmar ayaa sheegay in 4 sarkaal oo boolis ah shalay la dhaawacay.
Ciidamada difaaca ayaa dhanka kale soo rogay xayiraado ku saabsan isku imaatinka dadweynaha iyo Bandow habeenkii oo laga dhaqan geliyay magaalooyinka waaweyn ee wadankaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments