Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka New Zealand oo hakinaysa xiriirkii kala dhexeyay Myanmar

New Zealand oo hakinaysa xiriirkii kala dhexeyay Myanmar

Dowladda dalka New Zealand ayaa sheegtay in ay hakad gelinayso cilaaqaadkii dibloomasiyeed ee kala dhexeyay wadanka Myanmar.
Sidoo kale waxay xayiraad dhanka safarrada ah ku soo rogaysaa madaxda militari ee dalkaas.
Waxaa arrimahan maanta shaacisay ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern .
Haweeneydan ayaa sidoo kale sheegtay in maamulkeeda uu xaqiijin doono in uunan qayb ka noqon mashaariic lala kaashanaya ama uu ka faa’iidaya militariga qaabka afgembiga ah kula wareegay hoggaanka Myanmar.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada difaaca ee Myanmar ay wacad ku mareen in ay doorasho qabanayaan oo ayna talada dalkaas u gacan gelinayaan musharaxii ku guulaysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments