Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Midowga Yurub oo ka hadlay doorashada Soomaaliya

Midowga Yurub oo ka hadlay doorashada Soomaaliya

Wadamada Midowga Yurub ayaa War kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka oo lagu heshiin waayay, xili uu dhammaaday muddo xilkeedii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.
Qoraal uu soo saaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Midowga Yurub Josep Borrell ayaa waxaa lagu sheegay in heshiis la’aan lagu qabto doorashada Soomaaliya ka dhaceysa ay tahay arrin culeys ah oo marnaba wax dan ah ugu jirin shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu intaas ku daray inay muhiim tahay in xal laga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashooyinka, ayna Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada yeeshaan wada-hadal, si xal looga gaaro hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka.
Heshiis la’aanta in la qabto doorasho ka dhacda Soomaaliya waa mid aad u culus oo aan dan ugu jirin muwaadiniinta Soomaaliyeed. Waa muhiim in dhammaan ka qeybgalayaashu ay sii wadaan inay si wax ku ool ah ula shaqeeyaan si ay uga heshiiyaan hirgelinta geeddi-socodka doorashooyinka qaran.
Hoggaamiyeyaasha siyaasaddu waa inay sii wadaan dadaalkooda ku aaddan hirgelinta heshiiskii 17-kii Sebtember ayaa lagu yiri warka Midowga yurub ka soo baxay.
Sidoo kale Midowga Yurub ayaa Madaxda dowladda uga digay inay sameeyaan muddo kororsi, sidoo kalena la joogiyo is ber-ber yaaca ka jira doorashada, isla markaana laga fogaado wax kasta oo dib u dhac keeni kara.
Beesha Caalamka ayaa wada dadaal xoogan oo ay ku doonayaan in lagu xaliyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashad a ka dhaceysa dalka, iyagoona Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada mar kale wada-hadal ugu baaqay, xili uu dhammaaday muddo xileedkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments