Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo la kulmaya senetarada Jubilee

Madaxweynaha dalka oo la kulmaya senetarada Jubilee

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa in uu maanta kulan la qaato xubnaha aqalka sare ee ka tirsan xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee.
Shirkan ayaa lagu qaban doonaa xarunta shirarka caalamiga ee KICC ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu ku soo beegmayaa iyadoo dhanka kale baarlamaanka iyo aqalka sare ay galinka dambe ee maanta kal-fadhiyo yeelanayaan .
Shalay ayay ahayd markii xisbiga Jubilee uu meesha ka saaray xubinimada 6 siyaasi oo si magacaabid ah ku galay aqalka sare waxayna kala yihiin Millicent Omanga, Isaac Mwaura, Naomi Waqo, Mary Seneta, Victor Prengeei iyo Falxada Deeqoow.
Siyaasiyiintan oo taabacsan madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa lagu eedeyay in ay hareer mareen xeerarka xisbiga.
Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee Raphael Tuju ayaa sheegay in guddiga qaran ee xisbiga maamulo ee (NMC) ay u soo baxday in senetaradan ay ku xad gudbeen farqada 13-aad ee dastuurka Jubilee.
Mr. Raphael Tuju ayaa dhanka kale sheegay in aqalka senetka iyo guddiga diiwangelinta xisbiyada siyaasadeed ee dalka in loo gudbiyay magacyada senetaradaasi islamarkaana xilalka ay hayeen lagala laabtay oo aysan si hayni karin ama ka sii mid ahaan karin senetarro u soo magacaabay xisbiga Jubilee.
Xisbiga talada haya ee Jubilee ayaa wacad ku maray inuu talaabo anshax marin ah ka qaadi doono sharci dajiyayaasha wax u dhimaya hoggaaminta xisbigaasi.
Millicent Omanga oo ka mid ah senetarada xilka laga qaaday ayaa barteeda rasmiga eeTuwitarka ku sheegtay in aysan wali xiriir rasmi oo ku saabsan xilka qaadisteeda aysan ka helin xisbigaasi.
Dhanka kale senetarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen ayaa boggiisa baraha bulshada ku xaqiijiyay in lagu casuumay kulanka u shir guddomin doono hoggaamiyaha ugu sarreya dalka ahna madaxa xisbiga Jubilee.
Waxaa u su’aal ka keenay cidda laga saarayo hoggaanka aqalka Senate-ka ee xisbigaasi.
Sanadkii hore ayay ahayd markii xisbiga Jubilee uu yeeshay kulan baarlamaani ah oo xilalkii ay hayeen looga xayuubiyay qaar ka mid ah xulafada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Madaxdan waxaa ka mid ahaa senatarka ismaamulka Elgeyo Marakwet Kipchumba Murkomen iyo Susan Kihika oo laga soo doortay Nakuru.
Ilaa iyo hadda ma cadda waxa ka soo bixi doono kulanka uu maanta madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta la yeelanayo senatarada in kastoo ay jirto hadal hayn ah in lagu bartilmaameedsan karo Irungu Kang’ata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments