Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xisbiga Jubilee oo beeniyay in uu jiro qorsho xilka looga qaadaya William...

Xisbiga Jubilee oo beeniyay in uu jiro qorsho xilka looga qaadaya William Ruto

Xoghayaha guud ee xisbiga talada dalka haya ee Jubilee Raphael Tuju ayaa sheegay in uunan jirin qorsho ku aaddan xilka qaadista madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Mr .Tuju ayaa hoosta ka xarriiqay in xisbigu uunan yeelan kulan arrinkan ku saabsan.
Xoghayaha ayaa sidan sheegay xilli uu ka jawaabayay warbixin ku saabsan in xildhibaanka deegaanka Lugari Ayub Savula uu qorsheynayo in mooshin ka dhan ah Ruto uu baarlamaanka u gudbiyo.
Mr. Savula oo ka tirsan xisbiga ANC ayaa ku andacooday in madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ay taageersan yihiin xilka qaadista Ruto.
Hasa ahaate Mr. Tuju ayaa carrabka ku adkeeyay in hadii qorshahan uu jiro , Jubilee ay siyaasiyiinta xubnaha ka ah ka codsan lahayd in ay mooshinka taageeraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments