Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Booliska oo war ka soo saaray haweeney laga dejiyay baabuur socday

Booliska oo war ka soo saaray haweeney laga dejiyay baabuur socday

Waaxda qaran ee adeegga booliska ee dalka ayaa sheegtay in ay ka war heshay dhacdo haweeney ka mid ahayd rakaabka looga saaray baabuurka xilli uu marayay waddo ku taalla xaafadda Juja.
Waaxdan ayaa taargada gaariga ku sheegtay KCZ-729C.
Haweeneyda baabuurka laga dejiyay ayaa lagu magacaabaa
Judy Wanjiku Nyaga.
Laamaha ammaanka ayaa intaa ku daray in baabuurka gacanta lagu dhigay oo uu yaalla saldhigga booliska ee Wanguru ee Mwea.
Booliska ayaa sheegay in hadda lagu raadjoogo wadihii baabuurka iyo gacan yarihiisi si loo soo xiro ka dibna looga qaado tallaabada habboon ee sharciga waafaqsan .
Waxaa dhacdadan cambaareeyay senatarka ismaamulka Murang’a ahna madaxa xisbiga Jubilee u qaabilsan dhanka nidaamka ee aqalka sare Mr. Irungu Kang’ata.
Senatarka ayaa dalbaday in ay caddalad helaan qoyska Judy Wanjiku oo geeriyootay kana soo jeedday deegaanka Kiharu .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments