Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Khamenei oo Maraykanka ka dalbatay in uu Iiraan ka qaado xayiraadda

Khamenei oo Maraykanka ka dalbatay in uu Iiraan ka qaado xayiraadda

Hoggaamiyaha ruuxiga Iiraan Ayatollah Cali Khamenei ayaa maanta sheegay in Mareykanka ay tahay inuu qaado dhammaan cunaqabateynta uu saaray dalkaasi hadii xukuumadda Washington ay rabto in Tehran ay ka laabato talaabooyinkeeda nukliyeerka.
Waxaa uu sheegay in Iiraan ay fulisay dhammaan waajibaadkii ka saarnaa heshiiski nukliyeerka caalamiga ee la saxiixay 2015-kii.
Waxaa uu intaa ku daray in quwadihii saxiixay heshiiskii nukliyeerka haddii ay doonayaan in Iiraan ay dib ugu laabato balanqaadkeedi ahaa xaddigi tayeynta Yuraaniyaamka, waa in Mareykanka marka hore ka qaado cunaqabateynta oo dhan ee uu saaray dalkaasi ayuu yiri Ayatollah Cali Khamenei .
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden oo xafiiska la wareegay bishii la soo dhaafay ayaa sheegay in haddii Tehran ay ku soo noqoto u hoggaansanka adag ee heshiiskii nukliyeerka ee 2015-kii, Washington waxay u isticmaali doonta inay ku xaddido horumarinta yuraaniyaamka
Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa sanadkii 2018-kii ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iiraan iyo lix quwadood wuxuuna dib u soo celiyay cunaqabateyntii Tehran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments