Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya iyo Ingiriiska oo si wadajir ah u marti gelin doono shir...

Kenya iyo Ingiriiska oo si wadajir ah u marti gelin doono shir weyne ku saabsan waxbarashada

Waxaa uu qorshuhu yahay in bisha Toddobaad ee sanadkan dowladaha Kenya iyo Ingiriiska ay iska kaashadaan marti gelinta shir weyne caalami ah oo looga hadlayo arrimaha tacliinta.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyay in kulankan uu qabsoomi doono 25-ka ilaa 26-ka bisha July ee 2021-ka.
Waxaa diiradda lagu saari doonaa maalgelinta ku aaddan howlaha waxbarashada.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in la rajeynayo in shirka ka dib la helo dhaqaale dhan 5 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa madaxda qaaradda Afrika iyo dowladaha kale ka codsaday in ay barnaamijkan ka qayb qaataan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments