Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada Soomaaliya oo war ka soo saaray...

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada Soomaaliya oo war ka soo saaray shirkii Dhuusamareeb

Guddiga doorashada Soomaaliya heer Federaal ee lagu muransan yahay ayaa War kasoo saaray Shirkii Madaxda dowladda Federaalka, maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee Magaalada Dhuusamareeb, kaasoo natiijo la’aan kusoo dhammaaday.
Qoraal kasoo baxay Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada Soomaaliya ayaa waxaa nasiib darro lagu tilmaamay is afgaran waagii uu ku soo dhamaaday shirkii Madaxda ee Dhuusamareeb oo looga hadlaayay khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya.
Guddiga ayaa sheegay inay weli jirto rajo ku aadan in xal laga gaari karo is marin waaga ka taagan doorashada Soomaaliya ka dhaceysa, iyagoo u mahadceliyay dhinacyada isku howlay sidii xal looga gaari lahaa is marin waaga taagan ee doorashada ku gadaaman.
Sidoo kale Guddiga lagu muransan yahay ayaa Madaxda dowladda iyo maamul Goboleedyada ugu baaqay inaysan quusan, una istaagaan masuuliyadda ka saaran dalka iyo dadka Soomaaliyeed, ayna hirgeliyaan heshiiskii doorasho ee 17 Sebteembar 2020, heshiiskaasoo ay meel mariyeen Baarlamanka Federaaka Soomaaliyeed.
Guddiga ayaa idoo kale u mahadcelinayay Beesha calaamka oo garab taagan Soomaaliya, kuna gacan siinaysa sidii ay dhibaatooyinkooda u xalisan lahaayeen, ayna ku caawiyaan dowlad dhisidda iyo xal ay gaaraan dhinacyada Misiirka muda matalaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments