Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Madaxweynaha DRC oo loo doortay guddoomiyaha Midowga Afrika

Madaxweynaha DRC oo loo doortay guddoomiyaha Midowga Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo Félix Tshisekedi ayaa loo doortay guddoomiyaha Midowga Afrika.
Waxaa uu jagadan kala wareegay madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.
Waxaa lagu doortay shirka 34-aad oo ay midowgu maanta ku yeeshaan caasimadda Adisababa ee dalka Itoobiya.
Waxaa u xilkan hayn doona muddo hal sano ah.
Magacaabistiisa ayaa kuso aadaysa iyaado qaaradda ay la tacaaleyso cudurka safmarka ee Covid-19 iyo xanuno kale oo ka jira dalal ka mid ah qaaradda.
Dhanka kale madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo farriin maqal ah soo dhigay barta Twitter ee Aqalka Cad ee loogu talo galay madaxweynayaasha Maraykanka ayaa kula hadlay madaxda ururka Midowga Afrika ee maanta u furmaya shirka.
Madaxweyne Biden ayaa ballanqaaday inuu dib u yagleeli doono wada shaqeyntii dalkiisa iyo Midowga Afrika.
Madaxweyne Biden ayaa sido kale sheegay in Maamulkiisa ka go’antahay in ay dib u dhisaan wada shaqeyntii uu dalka Mareykanka la lahaa dunida iyo sidoo kale dib ula xiriirida hay’adaha caalamiga.
Dhanka kale shirka maanta ka furmaya magaalada Addis Ababa ayaa markii ugu horreysay waxay 55 xubnood oo ka kala socda urur weynaha Midowga Afrika ay u kulmayaan qaab muuqaal aragga fog sababa la xarira cudurka Covid 19.
Halkudhiga shirka sanadkaan ee labada maalin soconaya ayaa ah farshaxaanka, dhaqanka iyo hidaha ayaa ah fududeeyayaasha hormarka afrika.
Hasa ahaate qoddobada ugu waaweyn ee laga doodaya ayaa waxa ka mid ah ka falcelinta cudurka Covid-19 iyo sida looga soo kabana karo sameyntii u dhaqaalaha ku yeeshay.
Tani ayaa ku soo aadeysa Iyadoo barnamijka tallaalka ee cudurka Covid19 laga bilaaway qaar ka mid dalalka qaaradda sida wadanka Morocco.
Waxaa ila iyo hadda qaaradda laga diiwaangaliyay in ka badan 2.6 milyan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments