Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Kulanka baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow furmay & xildhibaannada aqalka sare oo laga...

Kulanka baarlamaanka Soomaaliya oo goordhow furmay & xildhibaannada aqalka sare oo laga saaray

Waxaa Goordhow Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka furmay kulan gaar ah oo la isugu yeeray Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaasi oo dalbaday Madaxweynaha dowladda.
In ka badan 140 Xildhibaan ayaa ku sugan Xarunta Villa Hargeysa, waxaana kulanka shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, waxaana sidoo kalena halkaas ku sugna Senataro ka tirsan Aqalka Sare.
Guddoomiye Mursal oo furitaanka kulanka khudbad ka jeediyay ayaa waxaa uu sheegay in kulanka Maanta uusan aheyN mid wadajir ah, hayeeshee uu dalbaday Madaxweynaha, sidaasina loo qaday.
Waxaa uu sheegay Guddoomiye Maxamed Mursal in aysan jirin wax muddo kororsi ah oo la sameeynayo, islan markaana aysan waxba ka jirin wararka la faafiyay ee sheegayay in Madaxweynaha uu muddo kororsi weydiisan doono Xildhibaanada.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayuu sheegay inuu uu yahay khudbad jeedinta Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu uga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka ka dhacaya Soomaaliya.
Isaga oo sii hadlaayay ayuu Guddoomiyaha Golaha dalbaday in Xarunta Villa Hargeysa ka baxaan Senatada Aqalka Sare, isla markaana kulan uu gaar u yahay oo kaliya Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa goor sii horReysay oo xalay sheegay in uusan jirin kulan wadajir ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka, xilli Senataro ay sheegeen inay ka qeyb galaan kulanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments