Jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ayaa dalbatay in baaritaano qoto dheer oo xaqiiqo raadin ah lagu sameeyo eedeymo loo jeediyay ciidamada difaaca ee dalka Bangladesh.
Tani ayaa timid ka dib markii barnaamij ay sameysay warbaahinta Aljazeera lagu sheegay in saraakiisha ay musuqmaasuq sameyeen.
Saraakiisha la eedeyay waxaa ka mid ah taliyaha guud ee militariga Bangladesh General Aziz Axmed.
Mas’uulkan ayaa lagu wadaa in toddobaadka dambe uu saraakiisha qaramada midoobay kula kulmo dalka Maraykanka.
Eedeymaha loo jeediyay Militariga ayaa ku saleysan agab dhanka isgaarsiinta ah oo loogu talagalay kormeerka kaasoo laga soo iibsaday Israa’iil.