Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Horjoogihii Al-shaabaab u qaabilsanaa Galgaduud oo la soo bandhigay

Horjoogihii Al-shaabaab u qaabilsanaa Galgaduud oo la soo bandhigay

Ciidanka xoogga dalka soomaaliya qeybta 21-aad ayaa soo bandhigey horjoogihii qaraxyada qeybta Galgaduud u qaabilsanaa Al-shabaab.
Ninkan ayaa magaciisu lagu sheegay Xassan Cabdinuur daad Careys kaasi oo ka mid ahaa maleeshiyaad xalay lagu qabtey howlgal ciidamadu ka fuliyeen duleedka Magaalada Dhuusamareeb.
Horjoogahan oo hoggaamiyay koox xalay isku daydey in ay hoobiyaal ku soo tuuraan Caasimada ayaa laga daaweynayaa dhaawac ka soo gaarey dagaalka, waxaa sidoo kale goobta la keenay gaarigii ay wateen iyo qori ah B10 oo ay adeegsanayeen, sidoo kale Ciidamada ayaa goobta ku soo bandhigey qoryo fudud iyo meydadka xubno ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay dagaalkii xalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments