Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Deeq cuno ah oo la gaarsiiyay Diinsoor

DHAGEYSO:Deeq cuno ah oo la gaarsiiyay Diinsoor

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee dowladda federaalka soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa Saddex diyaaradood oo waday deeq raashin ah gaarsiiyay Degmada Diinsoor ee gobolka Bay isagoo warbaahinta faahfaahin ka siiyay gargaarkan.

Guddoomiyaha degmada Diinsoor Cabdisalaan Xaaji Siidoow iyo qaar ka mid ah bulshada danyarta ah ayaa wasiirka iyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamad Lafta gareen uga mahadceliyay deeqdan oo ay sheegeen inay ku soo aadday xilli aad loogu baahnaa.

Dhanka kale ciidamada daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM oo uu kulan la qaatay wasiirka ayaa dowladda federaalka soomaaliya ka codsaday inay xuquuqdooda u dhameystirto

Wasiirka xannaanada xoolaha ee soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa ugu dambeyn ciidamada ku dhiirigeliyay in ay sii wadaan dadaalkooda sugidda amniga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments