Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Ciidanka dowladda soomaaliya oo soo bandhigay meydadka iyo hub ay ka furteen...

DHAGEYSO:Ciidanka dowladda soomaaliya oo soo bandhigay meydadka iyo hub ay ka furteen Shabaab

Dagaal socdey muddo kooban ayaa Duleedka Koonfureed ee magaalada Dhuusamareeb ku dhex marey Ciidamada Xoogga Dalka soomaaliya iyo Al-shabaab.
Saraakiisha Ciidamada ayaa xaqiijiyay in weerarkan oo Alshabaab ay qorsheynayeen in ay ku beegsadaan Xerada Ciidamada GorGor ay ka hortageen Ciidamo loo qorsheeyay oo waddada u galey kooxda weerarka soo qaadday.
Taliyaha Ururka 15-aad ee Kumaandooska GorGor Maxamed dhagawayne ayaa xaqiijiyay in ay Ciidamadu gacanta ku hayaan, Qori hoobiye ah, gaari ay wateen kooxda weerarka soo qaadday, qoryo fudud ,nin dhaawac ah iyo 8-meyd ah oo ay ka carareen dagaalyahaannada.
Taliyaha oo warbaahinta kula hadlay duleedka Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay hubkii ay ka furteen Al-Shabaab iyo Meydadka xubno uu sheegay in ay ka tirsan yihiin kooxda.
Taliyaha Ururka 15-aad ee Gorgor dhamme Maxamed Dhagaweyne oo arrimahan xalay warbaahinta uga war bixiyay ayaa yiri

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments