Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Erdogan oo isu barbardhigay ardayda dibad baxyada sameynayaan iyo argagixisada

Erdogan oo isu barbardhigay ardayda dibad baxyada sameynayaan iyo argagixisada

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in dowladdiisa aysan ogolaan doonin in dibad baxya socday mudda bil ah oo ka socda jamacada ku taala dalkaasi si ay isgu badalaan mudaaharaadyada dowladda looga soo horjeedo oo la mid ah kuwii dhacay 2013-kii.
Madaxweyne Erdogan ayaa ugu yeeray dibadbaxayaasha ” argagixiso ” isagoo sidoo kalena cambaareyay dhaq dhaqaaqyada LGBTQ kuna tilmaamay mid aan la jaan qaadi Karin qiyamka turkiga.
Iyagoo iska indha tiraaya mamnuucida dowladda ee dibadbaxyada, aya ardayda iyo macalimiinta jaamacada Istanbul’s Bogazici ka mudaharadeen magacaabista Erdogan ee Melih Bulu oo ah aqoonyahan iyo siyaasi hore.
Waxaa ay shegeen in habka loo soo xulay aysan aheyn hab demuqraadi ah islamarkaan ay doonayaan inuu iscasilo.
In kabadan 250 qof ayaa lagu xiray Istanbul todobaadkan gudihiisa halka 69 kalena lagu xiray Ankara.
Madaxweyne Erdogan ayaa ku adkeystay in Turkigu uusan maamuli doonin waxa uu ugu yeeray argagixisada, isagoona intaa ku daray inay sameyn doonaan wax kasta oo looga baahanyahay si looga hor tago.
Hadalka Erdogan ayaa imanayaa maalin un kadib markii booliska wadankaasi ay suntan dadka ka ilmeysiisay ay u adegsadeen ku dhawaad 1000 qof oo ku sugnaa Istanbul iyo 100 qof oo ku sgnaa Ankara.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments