Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Simeon Nyachae

DHAGEYSO:Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyay geerida Simeon Nyachae

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta wasiirkii hore ee Simeon Nyachae oo shalay geeriyooday.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay in Nyachae uu kaalin weyn ka soo qaatay horumarka siyaasadeed ee dalka.
Waxaa uu tilmaamay in guulaha uu siyaasigan hore ka gaaray u adeegidda shacabka , siyaasadda iyo ganacsiga ay muujinayaan in qofku hadii uu dadaalo uu hammigiisa ka miro-dhalin karo.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in uu murugada la qaybsanaya oo uu garab taagan yahay qoyska uu ka baxay Simeon Nyachae.
Waxaa sidoo kale geerida Nyachae ka tacsiyeeyay barasaabka ismaamulka Kisii James Ongwae oo ku tilmaamay hoggaamiye ku dayasho mudan.
Qaar ka mid ah shacabka Kisii iyo xubin ka tirsan golaha waxgaradka ee qowmiyadda uu ka soo jeeday Simeon Nyachae ayaa sidoo kale dareenkooda warbaahinta la wadaagay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments