Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kulan uu madaxweynaha dalka la yeelan lahaa haweenka gobolka bartamaha dalka oo...

Kulan uu madaxweynaha dalka la yeelan lahaa haweenka gobolka bartamaha dalka oo dib loo dhigay

Waxaa dib loo dhigay kulan wadatashi ah oo la filayay in madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta uu maanta la qaato hoggamiyaasha haweenka iyo madaxda diimaha ee gobolka bartamaha dalka.
Arrikan ayaa shaaca looga qaaday bayaan ay soo saartay afhayeenka madaxtooyada dalka ee State House Kanze Dena Mararo.
Sababta dib loogu dhigay shirka ayay Kanze ku sheegtay in ay tahay duruufo jiro oo laga fuursan waayay.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu xusay in goobta lagu qaban doono kulanka iyo taariikhda rasmiga ah ee toddobaadka dambe la qabanaya dib laga soo sheegi doono.
Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa afar cisho ku sugnaa Sagana oo ka tirsan ismaamulka Nyeri.
Mr. Kenyatta ayaa inta uu ku guda jiray socdaalkiisa waxaa uu xarigga ka jaray mashaariic horumarineed oo dhowr ah sidoo kalena wuxuu soo indha-indheeyay kuwo hadda gacanta lagu hayo.
Hoggaamiyaha dalka ayaa kulamo la qaatay wakiillada golayaasha hoose ee ismaamullada gobolka bartamaha dalka, siyaasiyiin iyo shacabka gobolkaasi.
Waxaa uu kala hadlay barnaamijyada horumarineed ee dowladda sida wax soo saarka, guriyeynta , caafimaadka, la tacaalidda cunno yarida iyo arrimaha sharci beddelka ee BBI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments