Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya In ka badan 1.2 milyan oo ah ardayda ka soo jeedo ismaamullada...

In ka badan 1.2 milyan oo ah ardayda ka soo jeedo ismaamullada xoolo dhaqatada oo aan dugsiyada dhigan

Golaha horumarinta deegaannada xoolo dhaqatada ee (FCDC) oo ay ku mideysan yihiin ismaamullada Turkana, galbeedka Pokot, Samburu, Isiolo, Mandera, Wajeer, Garissa, Tana River , Marsabit iyo Lamu ayaa faahfaahin ka bixiyay caqabado dhanka waxbarashada ah.
Qoraal uu soo saaray golahan ayuu ku xusay in ugu yaraan 100,000 oo ardayda ismaamulladan ka mid ah aynan dugsiyada dib ugu laaban.
Guddoomiyaha dalladdan ahna barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa sheegay in saddexdii cisho ee ugu dambeeyay ay kulan ku qaadanayeen magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Arrimaha shirka si gaar ah diiradda loogu saaray waxaa ka mid ah dhibaatooyinka dhanka tacliinta , amni darrada , Ayaxa,maalgashiga dhinaca kaabayaasha dhaqaale iyo la tacaalidda saameynta abaaraha.
Mr. Roba ayaa xusay in wada-hadallada ay sidoo kale qayb ka ahaayeen mas’uuliyiinta midowga yurub, safaaradda Switzerland, bangiga adduunka,hay’adda UNDP , FAO, maamulka qaabilsan dhisidda waddooyinka waaweyn ee dalka ee KENHA iyo golaha qaran ee tacliinta reer guuraaga.
FCDC ayaa bayaankeeda ku sheegtay in tan iyo markii bishii saddexaad ee sanadkii hore uu cudurka COVID-19 saameeyay dalka, ugu yaraan 107,556 oo ah arday dhiganayay dugsiyada hoose dhexe iyo sare ay iskaga baxeen xarumaha waxbarashada.
Guud ahaan 10-ka ismaamul ee ka tirsan golaha FCDC waxaan waxbarasho haysan 1.2 milyan oo arday ah.
Dowlad deegaannada kala duwan , tiradan ayaa ah
Lamu-5,980
Tana River-44,840
Garissa-255,870
Mandera-265-000
Wajeer-237,400
Isiolo- 35,000
Marsabit-94-320
Turkana-224,270
West Pokot, 74,210
Iyo Samburu, 58,040
Cali Roba ayaa xusay in kala bar tirada dadka ku nool ismaamulladan ay yihiin kuwo aan wax qorin sidoo kalena akhrin.
Waxaa uu caddeeyay in tacliinta ay ka mid tahay xuquuqda aasaasiga ee canug kasta sida ku qeexan dastuurka dalka sidaas awgeedna ay wasaaradda waxbarashada iyo madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ay ka codsanayaan in ardayda bulshooyinka xoolo dhaqatada ah laga haqabtiro baahiyaha dhinaca tacliinta.
Barasaabka Mandera ayaa sheegay in dugsiyada ismaamulladan ay wax ka dhigaan macallimiin ay tiradoodu yar tahay.
Bayaanka FCDC waxaa ku cad in dowlad deegaannadan uu ka jiro gaabad dhanka barayaasha dugsiyada hoose dhexe oo gaaraya 3,010.
Mandera waxaa looga baahan yahay macallimiin dhan 1,707, Wajeer 1,212 iyo Garissa oo ah 91.
Marka la eego dugsiyada sare ee saddexda ismaamul ee gobolka waqooyi bari waxaa Mandera ka jiro gaabad dhinaca tirada macallimiinta oo ah 437 ,Wajeer waa 382 halka Garissa tiradan ay tahay 351 iyadoo tirada guud ee looga baahan yahay in ay wax ka dhigaan dugsiyada sare ee waqooyi bari balse uunan gobolku haysan ay tahay 1,170.
Dhanka kale golaha horumarinta ismaamullada xoolo dhaqatada ee FCDC ayaa ku heshiiyay in la qorsheeyo qaab istaraatiiji ah oo waxyaabaha xoolaha laga soo saaro looga dhoofin karo dekadda Lamu ee gobolka xeebta si loogu iibgeeyo suuqyada dibadda.
Sidoo kale waxay dowladda dhexe iyo hay’adaha horumarka ka codsadeen in ay wax ka qabtaan saameynta abaarta oo aan ku koobneyn oo keliya xoolo dhaqatada balse wax u dhimaysa kobaca dhaqaale iyo wax soo saarka dalka iyo guud ahaan gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments