Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka New Zealand iyo Vietnam oo lagu sheegay wadamada si weyn ula tacaalay...

New Zealand iyo Vietnam oo lagu sheegay wadamada si weyn ula tacaalay cudurka COVID-19

Machadka Lowy oo ku yaalla magaalada Sydney ee dalka Australia ayaa sameeyay darasaad ku saabsan sida 100 wadan oo ka mid ah kuwa caalamka ay uga falceliyeen cudurka COVID-19.
Marka la eego sida dalalka ay u xakameeyeen faafitaanka caabuqa corona waxaa liiskan ugu horreeya wadamada New Zealand, Vietnam iyo Taiwan .
Britain iyo Amerika ayaa liiskan qaybta hoose kaga jiro.
Machadka ayaa sheegay in warbixintu uunan ku soo bandhigin macluumaad ku saabsan Shiinaha oo uu ka soo billowday cudurka COVID-19 sanadkii 2019-kii maadaama aan xog badan laga helin.
Wadamada liiskan kaga jiro tobanka nambar ee ugu horreeya waxaa ka mid ah Thailand, Cyprus, Rwanda, Iceland, Australia, Latvia iyo Sri Lanka .
Warbixintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo xaaladaha caabuqa corona ee dunida laga diiwaangeliyay ay kor u dhaafeen 100 milyan halka ay cudurka u dhinteen ugu yaraan 2 milyan oo qof.
Maraykanka oo laga xaqiijiyay 25 milyan oo xaaladood waxaa uu liiskan kaga jiraa nambarka 94-aad halka Britain ay gashay nambarka 66-aad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments