Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Mareykanka oo sheegay in ku noqoshada heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan ay wakhti...

Mareykanka oo sheegay in ku noqoshada heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan ay wakhti qaadan karto

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in wadankiisu uu dib ugu biiri doono heshiiskii nukliyerka Iiraan hadii Tehran ay u hoggaansanto ballanqaadyadeedii.
Waxaa uu xusay in ay wakhti badan qaadan karto dib ugu noqoshada is-afgaradkaas.
Mr. Blinken ayaa carabka ku dhuftay in Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden uu rajeenayo in dib loo soo celiyo heshiiskaas oo uu ka baxay hoggaamiyihii uu xilka kala wareegay ee Donald Trump.
Waxaa uu meesha ka saaray cadaadiska Iiraan ee ah in Mareykanka uu marka hore tallaabo qaado.
Mas’uulkan ayaa diiday inuu sheego cidda ku matali doonta wada hadallada Iiraan.
Antony Blinken ayaa sheegay in haddi ay la heshiiyaan Iiraan ay la geli doonaan “heshiis dheer oo aad u culus” oo xalliya arrimaha kale ee taagan.
Madaxweynihii hore ee Maraukanka , Donald Trump ayaa ka baxay heshiiskii nukliyerka Iiraan ee sannadkii 2015-kii isagoo cunaqabateyn ku soo rogay xukuumadda Tehraan oo uu ku eedeyay inaynan daacad ka ahayn dhaqangelinta qodobbadii lagu heshiiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments