Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Hay’aada Caafimaadka Adduunka ee WHO oo baaraysa asalka cudurka Covid-19

Hay’aada Caafimaadka Adduunka ee WHO oo baaraysa asalka cudurka Covid-19

Koox khuburro ah oo ka socda Hay’aada Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa maanta ka baxay karantiil ay ku jireen magaalada Wuhan ee dalka Shiinaha halkaas oo ay u tageen inay baaritaan ku sameeyaan asalka caabuqa Coronavirus.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa ka dib markii uu Mareykanka ku baaqay in si dhaqso oo hufan loo baaro halka uu ka soo billowday xanuunka COVID-19
Kooxda ayaa labo toddobad ku qaatay karantiil gudaha magaalada Wuhan oo ahayd xudunta cudurka sannadkii 2019-kii.
Dhanka kale shirkadaha soo saaro dawooyinka looga hor tagayo cudurka COVID-19 ee Pfizer iyo BioNTech ayaa sheegay in tallaalkooda uu ka hor tagi karo nooca cusub ee caabuqan ee lagu arkay dalalka Ingiriiska iyo Koonfur Afrika.
Waxaa ay shirkaduhu intaas ku dareen in haddii talaalkooda uu ka hor tagi waayo cudurka ay tallaabo kale qaadi doonaan.
In ka badan 2 milyan oo qof ayaa u dhintay COVID-19 guud ahaan caalamka halka in ka badan 100 milyan oo xaaladood oo la xirriira ilaa iyo hadda daafaha caalamka laga diiwaangeliyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments