Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo iska fogeeyay dhaliil dhanka hoggaanka ah

DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo iska fogeeyay dhaliil dhanka hoggaanka ah

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa gaashaanka u darruuray dhaliil uga timid qaar ka mid ah siyaasiyiinta wadanka oo ku eedeyay inuunan sida habboon ugu guulaysan hoggaaminta Kenya.
Mr. Kenyatta ayaa hoosta ka xarriiqay inuu weli yahay mas’uulka haya talada dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuusan dhammaan muddo xileedka maamulkiisa sidaas awgeedna cid kasta oo u hanqal taagaysa hoggaanka wadanka sanadka 2022-ka laga doonayo in sida uu hadalka u dhigay ay fursad u siiso u adeegidda dadweynaha.
Mr. Kenyatta ayaa sheegay inay jiraan shakhsiyaad iska dhaadhiciyay inuusan tallaabo ka qaadi karin maadaama uu hoggaanka wareejin doono wax ka yar 2 sano ka dib.

Hoggaamiyaha dalka ayay in badan oo ka mid ah siyaasiyiinta wadanka ku dhaliileen inuusan tallaabo ka qaadin ku xigeenkiisa William Ruto oo ay ku eedeynayaan inuu xilli hore guda galay olole siyaasadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments