Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:10 arday ah oo loo xiray dugsi lagu gubay Kiambere

DHAGEYSO:10 arday ah oo loo xiray dugsi lagu gubay Kiambere

Ciidamada waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay 10 eedeysanayaal oo arday ah ka dib markii dab la qabadsiiyay goob ay ardayda seexanayeen oo ku taalla dugsiga sare ee Kiambere ee bariga dalka.
Saraakiishan ayaa sheegay in ardayda la qabtay uu ka mid yahay 17 sano jir lagu tuhmayo inuu falkan ka dambeeyay.
Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka Mr. George Kinoti, ayaa sheegay in eedeysanahan markii la qabtay oo su’aalo la weydiiyay ka dib uu sheegay magacyada 9-ka arday ee kale.
Ardaydan ayay da’doodu u dhexeysaa 15 ilaa 19 sano.
Waxaa uu qorshuhu yahay in eedeysanayaasha maanta la soo taago maxkamadda degmada Siakago .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo waaxda dambi baarista ee DCI ay sheegtay in la diiwaangelinayo fal dambiyeed walbo oo ardaygu sameeyo si marka la siinaya shahaadada la xiriirta hab-dhaqankiisa, waxyaabahan loogu soo bandhigo.
Laga soo billaabo markii dib loo furay dugsiyada dalka waxaa isa soo tarayay dhacdooyinka ay ardayda dab ku qabadsiinayaan dugsiyada iyo weerarrada ay u gaysanayaan macallimiinta.
Dhibaatooyinkan ayaa loo aaneynayaa in waalidiinta aynan xoogga saarin la socodka hab-dhaqanka carruurtooda bilooyinkii ay ardayda xaafadaha ku sugnaayeen.
Dhanka kale qaar ka mid ah waalidiinta ismaamulka Mombasa ayaa soo jeediyay in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqa ardayda marka ay guriyaha joogaan oo aan mas’uuliyadda la xiriirta wanaajinta hab-dhaqankoodu lagu halleyn macallimiinta oo keliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments