Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Banaanbax looga soo horjeeday madaxweyne Farmaajo oo maanta Muqdisho ka dhacay

Banaanbax looga soo horjeeday madaxweyne Farmaajo oo maanta Muqdisho ka dhacay

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya gaar ahaan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa Maanta ka dhacay Banaanbax looga soo horjeeday Madaxweynaha dowladda Federaalka Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Dad kooban oo isugu jira Haween iyo Odayaal ayaa isugu soo baxay xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, iyagoona banaanbaxooda uga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo iyo qaabka dowladda rabto in lagu qabto doorashada 2021.
Banaanbaxayaasha ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin Sawiradda Madaxweynaha, ayna ku qoran yihiin erayo ka dhan ah Farmaajo, sidoo kalena ku qeylinayay doonimeyno kaligiis telis iyo iyo ha-dhaco Madaxweynaha.
Sidoo kale qaar kamid ah banaanbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ugu baaqayaan in uusan diidin qabashada doorashada dalka ka dhaceysa, iyagoona xusay in dad Soomaaliyeed aysan dhibaato rabin.
Mid kamid ah dadkii banaanbaxa dhigayay ayaa sheegay in aysan dooneynin dadka kaligiis telis horeyna uu ugu dhacay Maxamed Siyaad Barre, isagoona ku baaqay in dalka ay ka dhacdo doorasho nabad ah oo la isla ogolyahay.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay banaanbaxyo looga horjeeday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo , waxaana qaar kamid ah dadkii dhigaayay rasaas ku furay Ciidamo ka tirsan dowladda, taas oo khasaaro geystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments