Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo isku duwidda howlaha qaranka Dr. Fred Matiang’i ayaa sheegay in amniga wadanka uu yahay mid sugan marka laga soo tago deegaano kooban oo ay dhibaatooyin ka jiraan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay degmada Kapedo ee ismaamulka Turkana oo dhawaan ciidamo lagu dilay.
Wasiirka ayaa madaxda siyaasadeed ee ismaamulkaas iyo guud ahaan dalka ku boorriyay inay kaalin ka qaataan arrimaha nabadgalyada iyo mideynta bulshada.
Dr. Fred Matiang’i ayaa xusay in bulshada oo colaad laga dhex abuuro aynan ahayn arrin uu siyaasigu ku faani karo magac iyo sumcadna ku raadsan karo isagoo hoosta ka xarriiqay in hab-dhaqankan uu yahay mid laga soo gudbay.