Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya SAWIRO:Askari si bareer ah u dilay dhowr qof shacab oo maanta xukun...

SAWIRO:Askari si bareer ah u dilay dhowr qof shacab oo maanta xukun lagu riday

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya qeybteyda 60-aad ayaa maanta oo sabti ah xukun ku ridey Cismaan ibraahim Cabdi oo katirsanaa Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Baydhabo.
Cismaan ayaa lagu helay in dhowr qof oo Shacab ahaa in uu ku dilay Gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay, waxaana Maxkamadeyntiisa ay soo martay heerar kala duwan.
Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad Gaashaanle Sare Aadan Abuukar Maxamed oo Go’aanka maxkamadda ku dhawaaqey ayaa sheegay in Cismaan ibraahim Cabdi lagu xakumey dil toogasho kaddib markii ay ku cadaatey dilka uu geystey.
Dhanka kale Taliyaha qeybta Ciidamada Booliska Gobolka Baay Gaashanle Sare Aamiin Mad Daruur ayaa uga digay Ciidamada qalabka sida gaar ahaan Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay qorigooda dadka Shacabka ah ku dhibaateeyaan.
Maxkamada Ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ayaa ayaa dhowr jeer ooh ore waxaa ay xukuno kala duwan ku riday Askar & xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo lagu helay iay geysteen dilal kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments