Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Darawal gaari oo lagu dilay deegaan ka tirsan Galgaduud

Darawal gaari oo lagu dilay deegaan ka tirsan Galgaduud

Wararka aan ka heleyno deegaan ku yaalla duleedka Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay ku warramayaan in xalay halkaas lagu dilay Nin la sheegay inuu Darawal ahaa.
Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay yihiin Maleeshiyo beeleed ayaa Darawalka u galay wadada, isagoona toogasho ku dilay, xili uu ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Caliyaal oo duleedka ka ah Caabudwaaq.
Dad yaqaanay Marxuumka la dilay ayaa magaciisa ku sheegay Faadhigo Ibraahim, isla markaana waxaa uu kamid ahaa Darawalada caanka ah ee qaadka kasoo qaada dhanka dalka Itoobiya.
Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta ka baxsaday, waxaana deegaanka Caliyaal gaaray qaar kamid ah Eheladiisa, iyagoona soo qaaday Meydka, welina lama oga sababta loo dilay Ninkaas.
Maalmihii ugu dambeeyay deegaano iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan ayaa waxaa lagu dilay Darawalo dhowr ah oo kaxeyn jiray gaadiidka noocyadiisa kala duwan, kuwaasi oo loo dilay arrimo la xiriira aano beeleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments