Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Waaxda garsoorka oo shaqaaleysiinaysa madaxa cusub ee cadaaladda dalka

Waaxda garsoorka oo shaqaaleysiinaysa madaxa cusub ee cadaaladda dalka

Guddiga adeegga garsoorka ee dalka ee JSC ayaa guda galay geeddisocod la doonayo in lagu buuxiyo xilkii uu 12-kii bishan ka fariistay madaxii cadaaladda Kenya David Maraga.
Maraga oo muddo afar sano ah jagadan hayay ayaa noqday madaxa cadaaladda ee 14-aad ee wadanka soo maray.
Jagada hoggaamiyaha garsoorka dalka ayaa la shaaciyay inay bannaantahay hal toddobaad ka dib markii uu howlgab noqday Maraga.
Waxaa qoraal arrinkan ku aaddan soo saartay ku xigeenkiisi ahna sii hayaha xilka madaxa cadaaladda ee dalka Philomena Mwilu.
Haweeneydan ayaa sheegtay in shakhsiyaadka doonaya inay jagadan buuxiyaan ay haystaan ilaa iyo 10-ka bisha labaad ee sanadkan oo la soo afjari doono qabashada codsiyada shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments