Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya 22 qof oo loo xiray iskudhacyo saameeyay Tana River

22 qof oo loo xiray iskudhacyo saameeyay Tana River

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Tana River ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay 22 qof oo loo haysto dagaal beeleed dhawaan laga soo tabiyay halkaas.
Isniintii ayay ahayd markii labo qof lagu dilay degmada Madogo halka guriyana la gubay.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta ee ay Tana River hoos tagto John Elungata ayaa shaaciyay tallaabada ay qaadeen laamaha ammaanka.
Sidoo kale waxaa uu siyaasiyiinta uga digay inay shacabka isku diraan.
Elungata ayaa sidoo kale bulshooyinka ay xurgufta ka dhexeysa u qabtay labo cisho oo ay ku soo celinayaan xoolo la dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments