Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Wasiirka cadaaladda oo ku guulaystay inuu dib u mideeyo hooyo wiilkeedu in...

DHAGEYSO:Wasiirka cadaaladda oo ku guulaystay inuu dib u mideeyo hooyo wiilkeedu in muddo ah xirnaa

Wasiirka wasaaradda Cadaaladda dowladda Federaalka Soomaaliya C/qaadir Maxamad Nuur ayaa ku Guulaystay inuu dib u mideeyo Hooyo Luuleey Cismaan Xasan iyo Wiilkeed Xasan Cali oo muddo 4 Sano ah u Xirnaa eedayn la Xiriirta Lunsashada Hantida Qaranka.
Xassan oo ka mid ahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa loo xiray inuu iibsaday Qorigii uu Qaranka ugu shaqaynayay oo ahaa AK 47.
Wasiirka Cadaaladda iyo dadkale oo iskaashaday ayaa ku guulaystay inay Bixiyaan qarashkii Qorigii loo haystay inuu iibsaday.
Wasiirka oo warbahainta la hadlay ayaa wuxuu sheegay inay ku guulaysteen in xabsiga laga siidaayo Xasan Cali oo ay dhashay Hooyo Luuleey oo Wasiirku uu horay ugu booqday Gurigeeda uguna balanqaaday inuu ka sahqaynayo in Wiilkaas dib Xoriyadiisa loogu soo Celiyo,wasiirka ayaana Wiilkaas kula dardaarmay inuu daryeelo hooyadiis oo Waayeel ah sidoo kalena uu markale iska ilaaliyo ku tagri falka Xoolaha qaranka.

Hooyo Luuleey Cismaan Xassan iyo Wiilkeed Xasan Cali ayaa si wada Jir ah ugu mahadceliyay Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya C/qaadar Maxamad Nuur Dadaalka u ku Bixiyay in muddo kadib uu Xassn Dib u helo Xoriyadiisii sidoo kalena uu Hooyadiis oo waayeel ah dib ula Midoobo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments