Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya KNEC oo ku dhawaaqday in qiimeyn ku sameyn doonto ardayda dhigta fasallada...

KNEC oo ku dhawaaqday in qiimeyn ku sameyn doonto ardayda dhigta fasallada dugsiyada hoose dhexe

Golaha imtixaanada qaran ee KNEC ayaa sameyn doona qiimeyn dhanka waxbarashada ah gaar ahaan ardayda dhigta fasallada 1-aad ilaa -3aad iyo 5-aad ilaa 7-aad ee dugsiga hoose dhexe.
Wareegto ka soo baxday madaxa fulinta ee golaha KNEC Dr. Mercy Karogo kuna socoto dhammaan maamulayaasha dugsiyada ayaa lagu sheegay in qiimeyntu lagu ogaanayo dulduleedyada dhinaca tacliinta iyadoo ardaydu ay dhiganayaan sanad dugsiyeedka labaad iyo saddeexaad ee waxbarashada.
Ardayda fasalka 7-aad ee dugsiyada hoose dhexe ayaa waxa lagu qiimeyn doonaa dhammaan maadooyinka ay ku sameyn doonaan imtixaanka qaran ee KCPE ee kala ah Xisaabta, Ingiriiska, Sawaaxiliga, Sayniska iyo Culuunta arrimaha deegaanka.
Ardayda fasallada 5-aad iyo 6-aad ayaa lagu qiimeyn doona maadooyinka kala ah Xisaabta, Ingiriiska, Sawaaxiliga iyo Sayniska
Fasalka koowaad ilaa saddeexaad- ayaa ayagana lagu qiimayn doonaa akhrinta aasaasiga, awoodda fahamka maadooyinka Ingiriiska, Sawaaxiliga iyo hawlaha Xisaabta.
Arday fasalka 7-aad ee dugsiga hoose dhexe ayaa sidoo kale lagu tijaabin doonaa maadooyinka fasallada koowaad ila lixaad iyo sanad dugsiyeedka koowaad ee waxbararashada ee fasalka ay hadda dhigtaan.
Madaxa fulinta ee golaha KNEC Dr. Mercy Karogo ayaa xustay in imtixaankan uusan ahayn mid qaran oo shahaadi ah.

Qiimeynta ku saleysan tijaabadan ayaa socon doonta inta u dhaxeysa maanta ilaa 22-ka bishaan ee ku beegan maalinka Jimcaha ee toddobaadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments