Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Dugsiyada Malawi oo la xiray

Dugsiyada Malawi oo la xiray

Waxaa albaabada la isugu dhuftay dugsiyada ku yaala dalka Malawi oo xirnaan doono ugu yaraan 15 cisho .
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay xakameynta faafitaanka caabuqa corona.
Madaxweynaha dalkaas Lazarus Chakwera oo khudbad qaran jeediyay ayaa sidoo kale ku dhawaaqay bandow habeenkii oo billaabanaya 9-ka fiidnimo.
Sidoo kale isku imaatinka dadweynaha waxaa loo oggol yahay inay ka qayb galaan oo keliya 50 qof.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ilaa iyo hadda 300 oo qof ay cudurka COVID-19 ugu dhinteen Malawi.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay in 2 milyan oo doolar loo qoondeynaya daryeelka howlwadeenada caafimaadka iyo soo iibinta agabka ay u baahan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments