Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Baadari uureeyay gabdhihiisa oo la xiray 140 sano

Baadari uureeyay gabdhihiisa oo la xiray 140 sano

Maxkamad ku taalla ismaamulka Kirinyaga ayaa xukun 140 sano oo xabsi ah ku ridday baadari 58 sano jir ah oo lagu eedeyay inuu uureeyay labo gabdhood oo uu dhalay.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa John Gichira Gichini waxaana xukuntay maxkamadda deegaanka Baricho.
Waxaa go’aanka maxkamadda oo yimid ka dib markii uu eedeysanaha qirtay dambiga lagu soo oogay soo saaray garsoore Antony Mwicigi.
Xaakinka ayaa xusay in Gichira uu muteystay xukun culus maadaama dambiga uu galay uusan fududeyn.
Gichira ayaa maxkamadda iyo qoyskiisa ka codsaday inay cafiyaan isagoo khalad ka dhacay sheegay inuu sheydaan ku qaaday.
Waxaa uu haystaa 14 cisho oo uu racfaan kaga qaadan karo xukunka la dul dhigay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo labada gabdhood ee uu uureeyay oo ay da’doodu tahay 16 iyo 14 sano mid ka mid ah ay umushay halka midda kalena ay leedahay uur 5 bilood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments