10 sano ka dib Suuriya oo safaaradeeda London dib u furtay

0
43

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suuriya ayaa si rasmi ah dib ugu furay safaaradda dalkaasi ee London Khamiistii, ka dib in ka badan toban sano oo ay xirnayd, taasoo ah tallaabadii ugu dambeysay oo ay qaado Xukuumadda cusub ee Dimishiq ka dib xil ka qaadistii madaxweyne Bashar Al-Assad.
Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Asaad al-Shibani ee Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku soo beegantay maalmo ka dib booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha kumeel-gaarka ee Suuriya Axmed al-Sharaa uu ku tagay caasimada Mareykanka ee Washington, taasoo ahayd booqashadii ugu horreysay ee madaxweyne Suuriyaan ah tan iyo markii dalkaasi xornimada qaatay 1946-kii.
Al-Shibani, oo ka hadlay munaasabad ay soo qabanqaabisay xarunta cilmi-baarista arrimaha caalamiga ah ee London ee ku taalla, guriga Chatham, ayaa sheegay in kulankiisii uu la yeeshay dhiggiisa Ingiriiska, Yvette Cooper, uu ku soo dhamaaday “guul.”